Category: Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuu ka mid yahay culimada ugu waa weyn ee Soomaalida. Xagan ka daawo taariikh nololeedka Sh. Umal.
Sheekhu wuxuu yidhi isagoo iska waramaya “Taariikh nololeedkaygu waxay u qaybsantahay Kiinya, Soomaaliya iyo itoobiya. Midba wakhti baan ku noolaa waxna waan ku bartay. Tacliinta aasaasiga-ah Soomaliya ayaan ku bartay, Quraanka Kariimka-ah waxaan ku bartay itoobiya, Kiiniya macaahid sharciya ayaan kaga baxay, kadibna waxaan uga gudbay wadanka Sacuudiga magaalada Madiina, jaamaca islaamiya ayaan ka soo qalin jabiyay markay ahayd 1993. Wixii intaa ka danbeeyey kiinya ayaan ku soo noqday, magaalada Nairobi”.