Waa risaalo uu alifay imaam adahabi oo layidhaahdo جزء في التمسك بالسنن. Waa risaalo gaaban oo ka kooban ilaa 25 safxa. Wuxuu ka hadlayaa mawduuc aad iyo aad u muhiim-ah. Mawduucaasi waa sunanu nabiyi sallallaahu calayhi wasalam oo waa mawduuc diinta ruuxeeda taabanaya.
Kitaabku waxa kalee oo uu ka hadlayaa didu sunnah oo ah al-bidca. Xaqiiqatul bidca maxay tahay, bidcadu maraatib maleedahay, dadka ku dhaca shayga bidcada ah ma hal xukun baa la siinayaa mise way kala duwaan karaan oo dadka qaar ijtihaad la yimid miyay la mid yihiin kuwa hawadooda raacay. Wuxuu kaloo ha hadlayaa bidcooyinka caqiidada gala iyo kuwa caadaadka gala. Wuxuu ka hadlayaa tacriifka bidcada khilaaf farabadan oo ka yimid.
Halkan ka download kitaabka isagoo pdf ah:
Download kitaabka (pdf)