Sharx Usuulu Sunnah – Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Usuulu Sunnah Sh. Maxamed Cabdi Umal

Kitaabkan waxa la yidhaahdaa Usuulu Sunnah ( أصول السنة ) ama kutubta qaarkoodna waxy ku maga caabaan ( شرح أصول السنة ). Waxaa iska leh Imaam Abu Cabdillaah Axmad ibn Muxammad ibn Xanbal Ash-Shaybaani Al-Marwazi Al-Baqdaadi. A’imada afarta-ah ee madaahibta mid ka midpah weeyi. Madhabka Xanbaliga imaamka iska leh waaye.

Imaam Axmad ibn Xanbal wuxuu dhashay bishii Rabiicul-awal sanadkii 164 hijriga. Wuxuu ku dhashay magaalada Baqdaad oo markaa ahayd caasimada Muslimiinta. Ayada ayuu ka bilaabay dalabkii cilmiga ee uugu horeeyay. Wuxuu ka qaatay cilmiga xadiithka iyo qayrkiiba culimadii xiligaa joogtay rageedii uugu waaweeynaa, oo u caansanyahay imaam Shaafici.

Magaalada uu ku dashay oo uu ku barbaaray markuu culimadii joogtay cilmiga ka qaatay, kadib wuxuu safray sidii caadadu ahaan jirtay, oo wuxuu galay rixla ilaa dalabil cilmi magaalooyinkii kale ee markaa caanka ku ahaa ee culimada fadhiyeen ee cilmiga laga baran jiray, sida Kuufa oo kale, Basrah iyo Makkah iyo Madiinah, Yaman oo uugu tagay imaam Cabdi-Risaaq as-Sancaani. Shaam ayuu aaday iyo Jaziirada. Culimo farabadan oo casrigiisa la tira koobi karin ayuu cilmiga ka qaatay.

Ardo farabadan oo la tira koobi karina waxbay ka barteen oo waxa ka mid ah ardaydiisa uuguna caansanaa imaam Bukhaari, imaam Muslim, Abu Daa’uud, Tirmidi. Raggan kutubta caanka-ah leh ardaydii imaam Axmad ayaay ahaayeen igo rag kaloo aad u farabadan.

Makaanadiisa cilmiga-ah wuxuu ahaa imaam funuunta cilmiga oo dhan ku horeeya. Fanniga fiqiga, xadiithka oo oo ka mid-ahaa min xufaadi dunyaa iyo funuunta qaybeheeda kala gedisan. Cidkastoo taqaanay imaam axmed waxay ahayd arin ay u qirtay uguna markhaati furtay xataa mashaa’ikhdiisa uu ka midyahay imaam Shaafici. Waxaa nagu filan hadalka imaam Shaafici ee uu yidhi:
” أحمد إمام في ثمان خصال: إمام في الحديث، إمام في الفقه، إمام في اللغة، إمام في القرآن، إمام في الفقر، إمام في الزهد، إمام في الورع، إمام في السنة ”

Xadiithka imaambuu ahaayoo fiqigiisa, xifdigiisa iyo cilalkiisaba wuxuu ku ahaa imaam. Fiqiga sidoo kale aad baa looga danbeeyay oo muxadith kaliya maa ahayne faqiih buu ahaa sida ka muuqata madhabkiisa. Luuqada carabiga sidoo kale Quraanka Kariimka iyo tafsiirkiisa, aduunyada iyo iska yaraynteeda iyo inaan lays raacinin oo ujeedadu ay tahay faqriga iyo zuhdiga iyo waraca iyo xalaalmiirashada. Sunnadda oo tan hadda risaaladani ku saabsantahay oo caqiidadi salafka asxaabada laga soo gaadhay iyadana imaam buu ka ahaa.

Imaam Shaafici isagoo amaanaya Imaam Axmad wuxuu yidhi:
” خرجت من بغداد فما خلفت بها رجلا أفضل، ولا أعلم، ولا أفقه، ولا أتقى من أحمد بن حنبل ”

Download Kitaabka Sharx Usuulu Sunnah (pdf)

  1. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 1aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  2. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 2aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  3. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 3aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  4. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 4aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  5. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 5aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  6. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 6aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  7. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 7aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  8. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 8aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  9. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 9aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  10. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 10aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  11. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 11aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  12. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 12aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  13. Sharx Usuulu Sunnah li Imaam Axmad ibn Xanbal Casharka 13aad
    Sh. Maxamed Cabdi Umal | Download mp3