Su’aalaha Sheekh Shibli – Su’aalihii Facebook Casharka 2aad

Xaggan ka dhagayso ama download-garayso iyadoo mp3 ah Sheekh Shibli oo ka jawaabaya su’aalo diini ah loogu soo diray facebooga. Waa xalaqadii 2aad.


Download mp3

00:32 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 1aad
Wiil aan saaxibo nahay ayaa guursaday. Gabadha uu guursaday marka hore 20 garaam oo dahabay ku heshiiyeen meherkeedii inuu noqdo. Marki fagaarii laysla tagay isagii way la yaraatay oo lixdan buu ka dhigay, sidii baa lagu meheriyay. Gabadhaasi maxya yeelanaysaa? Ma 20 bay leedayah mise 60?

01:59 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 2aad
Salaada Sunnada ah ee faralka ka danbeeyaa waa imisa? Sidee san uuga danbeeyaan?

04:19 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 3aad

Maalmahan waxa soo baxay dumar faceboog furanaya, kana hadlaya diinta. Maxay diintu ka qabtaa haweenku inay meel public ka hadlaan? Waxaan qoraal ka akhriyay imaam Nawawi inuu yidhi codka dumarka cawra ma ahan, maxaa ka jira arintaas?

05:46 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 4aad
Anigoo arday ah waxaan jaamacad iskaga bixin jiray lacag nin adeerkay ah oo meel isbaara kontrol uu dhigtay lacag uu isoo diray baan iskaga bixin jiray. Aqoontaas hadaan wax ku shaqaysto ma xaaraan baa?

07:12 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 5aad
Lacag aan ka sameeyay shay aan banaanayn sida sigaarka iyo timaha dumarka hadii aan masjid ku dhiso wax ajar ah ma ka helayaa?

09:10 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 6aad
Atixyaadka marka la akhrinayo, in farta la dhaqdhaqaajiyo ma banaan tahay?

10:32 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 7aad
Meeshaan joogo bidco badan baa ka jira oo dadku aaminsan yihiin. Hadii aan guriga iska joogo iyadoo dadkii loo fasaxay mawliid iyo micraaj iyo munaasibooyin kale dartood, aniga ma igu danbi baa?

11:40 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 8aad
Cunug baa ii dhashay, kadib timihii baan ka xiiray, waxaa la yidhi waa la miisaamaa lacagna waa la bixinayaa intay miisaan timuhu noqdaan, ee arintaa iga jaahil bixi?

12:45 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 9aad
Marka uu tujinayo imaam salaada la jahray (kor u akhrinaya) sida maqribka, cishaha iyo salaada subax, ma inaan quraan akhriyo sida faatixada oo kale ayaa layga rabaa? mise inaan imaamka qiraa’adiisa dagasto markuu quraanka akhrinayo?

14:37 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 10aad
Waxaan ahay hooyo lagu soo qalay ilmo. Mudo dhan 2 bilood dhiigbaa iga socda, markaan dhakhaatiirta la xidhiidhayna waxay ii sheegeen inuu iga soconayo dhiiga ilaa 3 bilood. Su’aashaydu waa salaadii sideen ka yeelaa? Ma dhiiga dhalmada ayuu noqonayaa mise waan tukadaa?

15:49 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 11aad
In wiil iyo gabar laysugu diido qabiil dartiisa ma banaantahay?

Waalidka haday kugu dhahaan qof aan reer ka ahayn hadaad keento waanu ku habaaraynaa, habaarkaasi ma i qabanayaa?

Qof aad guur ku balanteen haduu kaaga tago sabab macquul ahayn madanbaabayaa qofka ka baxay balanta?

19:32 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 12aad
Qof dumar ah oo dhowr caruur ah dhalmo kula soo hagaagtay soonka hadana aan awoodi karin maxay samaynaysaa?

20:45 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 13aad
Waxaan ahay arday, waxaan wax ka bartaa wadamada asia, indhahaygu waxay qabtaan marwaliba dumar qaawan ee diinta maxay ka qabtaa?

23:24 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 14aad
In afarta madhab mid ka mid ah la haysto ma qasab bay igu tahay?

24:46 – Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 15aad
Maxay diinta ka qabtaa inaan xiriir la yeesho gabdho badan? Waxaan ahay nin dhalin-yaro ah, maxaad-se igula talin lahayd?

29:26 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 16aad
Anigoo salaad ku jira hadaan hindhiso alxamdulillaahi ma odhan karaa? Qofka kalee igu garab tukanayana yarxamukallah ma i odhan karaa?

31:12 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 2aad – Su’aasha 17aad
Qof dumar ah in lagu beero ilmo maxay ka qabtaa diintu?