Khud Caqiidataka – Sheekh Umal

Kitaabkan waxa la yidhaahdaa Khud Caqiidataka Minal Kitaabi Wa Sunnati Saxiixah – خذ عقيدتك من الكتاب والسنة Caqiidadaada waxaad ka qaadataa kitaabka Allah iyo Sunnada Rasuulka ee Saxiixa ah (sallallaahu calayhi wasalam). Kitaabkaas oo uu iska leeyahay Sheekh la yidhaahdo magaciisa Maxamed Jamiil Zaynu oo nin culimada Salifiyiinta ka mid ah.

Kitaabku waxa uu u qoran yahay qaab su’aalo iyo jawaabo. Su’aal buu marka hore is waydiinayaa markaa kadibna jawaabteeda ayuu bixinayaa, wuxuuna la xidhiidhinayaa arintaa uu sheegayo daliilkeedii kitaabka Allah ku soo aroortay ama Sunnada nabiga (sallallaahu calayhi wasalam) si macnaha ruuxa akhriyayaahi qalbigiisa uuga dago oo uugu xasilo oo uu san u moodin shay ruux jeebkii ka yimid ee uu u ogaado inuu yahay Shay Ka yimid kitaabka Allah iyo Sunnada Rasuulka (sallallaahu calayhi wasalam).

Waxa markaa la ogsoon yahay in caqiidadu ay tahay aasaaska diinta islaamku ay ku taagan tahay ama ah shayga lafdhabarka ah ee diintu ay ku taagan tahay. Ruuxa hadii tawxiidka iyo caqiidado ay ka halaabaan oo ka khaldamaan waa ayaan daro aduunyo iyo cadaab aakhiro. Haday ruuxa u hagaagaana waxa ruuxaasi loo rajaynayaa khayr farabadan xagga Allah.

Download kitaabka Khud Caqiidataka (pdf) – تحميل كتاب خذ عقيدتك من الكتاب والسنة

  1. Khud Caqiidataka - Casharka 1aad
    Sh. Umal | Download mp3
  2. Khud Caqiidataka - Casharka 2aad
    Sh. Umal | Download mp3
  3. Khud Caqiidataka - Casharka 3aad
    Sh. Umal | Download mp3