Xisnul Muslim – Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

Kitaabkan waxa lagu magacaabaa Xisnul Muslim Min Adkaaril Kitaab Wa Sunnah – حصن المسلم من أذكار الكتاب والسنة

Kitaabkan oo ah kitaab aad iyo aad u naficaad iyo manfac badanba. Xisnu oo macnaheedu tahay gabbaati ama dhufayskii Al-Muslim qofka Muslim-ka ahi uu geli lahaa oo min Adkaaril Kitaabi wa Sunnah dikriyaalkii xusuuskii ilaahay kitaabkiisa iyo sunnada nabiga markaa ku yimid.

Qofka Muslim-ka ah inta aduunka uu joogo wuxuu khatar ugu jiraa shaydaanka. Dhib ayuu rabaa shaydaanku inuu dadka gaadhsiiyo, sidaa darteed ayaa ilaahay wuxuu kuugu talagalay dhufays loogu talagalay qofka Muslim-ka ah inuu uuga dhuunto shaydaanka. Maaha meel la qoday iyo guri la galo laakiin waa ilaahay xuskiisa iyo dikrigiisa inuu isku gabbaatiyeeyo oo qofku markaa isku wareejiyo.

Kitaabku wuxuu ka hadlayaa adkaar aad iyo aad u badan iyo ducooyin. Waliba marka ay dhibaatooyinka ay yimaadaan iyo maraka kalaba. Waxyaabaha kitaabka uu tilmaamayo waxaa ka mid ah marka la hurdayo sidii loo ducaysan lahaa, labiska marka la gashanayo, dharka marka la xidhanayo, marka musqusha la galaayo, laga soo baxaayo, habka waysa qaadka iyo marka loo socdo masaajidka. Gurigaa markaad galaysi, markaad kasoo baxayso, marka qofka waxyaabo badan oo culays badan u yimaadaan. Qofku markuu danbaabo, daynta markuu gudbinaayo iyo waxyaabo oo nocaas oo kale ayuu kitaabkani ka hadli doonaa.

Download kitaabka Xisnul Muslim (pdf) – تحميل كتاب حصن المسلم من أذكار الكتاب والسنة pdf

Dhagayso Kitaabka Xisnul Muslim sharax audio af-soomali ah.

  1. Xisnul Muslim Casharka 1aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  2. Xisnul Muslim Casharka 2aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  3. Xisnul Muslim Casharka 3aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  4. Xisnul Muslim Casharka 4aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  5. Xisnul Muslim Casharka 5aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  6. Xisnul Muslim Casharka 6aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  7. Xisnul Muslim Casharka 7aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  8. Xisnul Muslim Casharka 8aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  9. Xisnul Muslim Casharka 9aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3
  10. Xisnul Muslim Casharka 10aad
    Sh. Xasan Ibraahim Ciise | Download mp3