Manduumadani waxay ku saabsantahay cilmiga tawxiidka ama caqiidada oo waxa iska leh Ibn abi da’ud. Manduumada waxa loo yaqaanaa manduuma Ibn Abi Da’ud al- Xaa’iyah. Xaaiyah waxa loogu bixiyay baytkastaba wuxuu ku dhamaanayaa ح intiisa badan. Manduuma caan ah weeyi oo culimadii hore ay yaqaaneen. Ilaa wakhtiga imaamku uu tixda tiriyay ilaa wixii ka danbeeyay caan-ah bay ahayd. Sidaas daraadeed baa Imaam dahabi waxa uu leeyahay “qasiidadani si tawaatur-ah waxa looga soo guuriyay imaamka taxay” oo waxaa ka wariyay waliba ardaydiisa raggii uugu waawaynaa oo uu ka midyahay al-imaam al-ajuri Abu cabdillah Ibn batta iyo qayrkiiba. Kitaabka waxaa sharxay culimo dhowr-ah. Shuruuxda lahayo waxa uugu wayn sharaxa uu leeyahay al-imaam as-safaariini oo laba majaladood taqriiban ayuu kitaabk ku sharxay. Dr. Cabdirisaaq Ibn cabdul muxsin al-cabbaad-na sharax buu ku leeyahay la yidhaahdo Tuxfatu Saniyah. Culimo horena waa sharxeen laakiin sharaxoodii lama hayo.
Imaamka kitaabka iska leh magaciisa waxa la yidhaahdaa Cabdullaahi Ibn abi Da’ud. Aabihii Ibn Da’ud waa Sulaymaan ibn Ashcath oo ah imaamkii iska lahaa kitaabka sunanka ah Sunan abi Da’ud. 230 markii taariikhda hijriga ahayd ayuu dhashay. Waxa la dhihi karaa wuxuu soo gaadhay a’imadii waawaynaa wakhtigoodii sida Imaam Axmad, Imaam shaafici iyo Imaam muslim.
Download Kitaabka Xaaiyah ibn abi Daud (pdf)
-
Manduumatul Xaaiyah - Darsigii 1aad
Sheikh Umal | Download mp3 -
Manduumatul Xaaiyah - Darsigii 2aad
Sheikh Umal | Download mp3 -
Manduumatul Xaaiyah - Darsigii 3aad
Sheikh Umal | Download mp3 -
Manduumatul Xaaiyah - Darsigii 4aad
Sheikh Umal | Download mp3 -
Manduumatul Xaaiyah - Darsigii 5aad
Sheikh Umal | Download mp3 -
Manduumatul Xaaiyah - Darsigii 6aad
Sheikh Umal | Download mp3