Tafsiirka Quraanka Juz Camma – Ramadaan 1441 – Sh. Umal

Bisha ramadaan waa bishii qur’aanka kariimka ah.

شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَانِ

Markaa waxa haboon bishan in qur’aanka khaas la siiyo akhriskiisa, fahamkiisa iyo Ku dhaqankiisa intaba.

Juz camma wuxuu ka hadlaa oo boqolkiiba sagaashan u badanyahay mabaadida waawayn ee iimaanka oo asaasiyaadka diinta ah.

Wuxuu bini-aadamka barayaa nolol tan ka danbaysaa inay jirto. Waa xaqiiqo cid kaloo ka warami kartaa aanay jirin. Waxa kale oo uu juzkani ka hadlayaa Allah nicamkiisa iyo barwaaqada uu adoomadiisa siiyay ee kala duduwan si Ilaahay adoomadiisa isu baro, Ilaahayna ay nicmooyinkiisa uugu aqoonsadaan.

Waxa kale oo uu ka hadlaa juzkani sida aduunkani uu ku dhamaan doono iyo markuu dhamaanayo isbadalada dhacaya ee waawayn iyo siday u eg yihiin, aduunkani sidee buu noqondoonaa, dhulkani, buurahani, badahan, makhluuqan siday noqon doonaan. Markaa xaalad wayn oo aduunka kusoo socota ayay suuradahani Ka waramaan. Runtii waa macluumaad aanad meel kale ka heli karaynin.

Sidoo kale waxuu ka hadlaa juzkani dadka labada qaybood ee ay u qaybsamaan, dadka wanaagsan ee jidka wanaagsan haya iyo abaalgudka ay leeyihiin aduunka iyo aakhira-ba. Dadka se dhanka kale ilaahay dariiqiisa garabmaray, gaalada iyo munaafiqiina waxa jidkooda qaaday maxay abaal leeyihiin, xagaysan ku danbayndoonaan.

Juz camma suuradihiisu waxay u badanyihiin quraankii soo dagay intuu san nabigu kasoo hijroonin Makkah. Marxaladaaso ahayd marxalada mabaadi’da waawayn ee diinta la ta’siilinayay ee gaalada lagula dagaalamayay, lagana dhaadhicinayay.

  1. 01. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Naba
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  2. 02. Tafsiir Juz Camma - Suuratu An-Naazicaat
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  3. 03. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Cabasa
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  4. 04. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Takwiir iyo Infidhaar
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  5. 05. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Mudhaffifiin
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  6. 06. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Inshiqaaq & Buruuj
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  7. 07. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Dhaariq & Al Aclaa
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  8. 08. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Ghaashiyah & Fajri
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  9. 09. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Balad & Shamsi & Leyl
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  10. 10. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Duxaa & Sharxi & Tiin & Calaq
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  11. 11. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Al-Qadr ilaa Al-Caadiyaat
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  12. 12. Tafsiir Juz Camma - Suuratu Al-Qaaricah ilaa Quraysh
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3
  13. 13 Tafsiir Juz Camma - Suuratu Maacuun ilaa an-Naas
    Sh Maxamed Cabdi Umal | Download mp3