Su’aalaha Sheekh Shibli – Su’aalihii Facebook Casharka 3aad

Xaggan ka dhagayso ama download-garayso iyadoo mp3 ah Sheekh Shibli oo ka jawaabaya su’aalo diini ah loogu soo diray facebooga. Waa xalaqadii 3aad.


Download mp3

00:31 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 1aad
Dadka cuntada jidka iyo dariiqa ku cuna ama ku caba markhaati ma galaan?

02:17 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 2aad
Nin iyo xaaskiisaa isku dhacay, waxay du dacwaysay wuu i kufsaday, kadibna wuxuu ku qancay inuu iska furo, markii uu furay kadibay tiri meherkaygii isii, isagana wuxuu yidhi waaba i kufsaday hadaa tiri meher ma jirin weyee waxbaba iguma lihid hadaan meher la’aan iyo kufsi kugu haystay.

Markaa meher maku leedahay?

04:03 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 3aad
Gabar baa i waydiisatay quraanka inaan baro, ana waan ka balan qaaday, kadib waxa dib iigaga soo baxday inaan kali isku noqonayno.

Kalinimadaa ma danbibaa?

Hadii qof raga iyo qof dumaroo ajnabi kala ahoo wada joogaa salaadu ay qabatoo wada tukanayaan ma la ogol yahay?

06:26 suaal Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 4aad
Haduu qof markuu cumraysto labada hore ee dawaafka da danbeeya uu halmaamo ilaa uu dhamaystay oo xalaal noqday maxay cumradiisii noqonaysaa?

06:56 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 5aad
Shakiga faraha badan ee qofka ku dhasha oo xataa cibaadada gala, maxaa dawo u ah?

07:38 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 6aad
Bahalka kaadida soo saara ee qofka kaadidu ku adagtahay la galiyo, qofkiina uu xanuunsan yahay, salaada ma lagu tukan karaa?

08:47 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 7aad
Qof baan ku heshiinay ganacsi, anuguna lacag baan keenayay isna xoogiisii iyo wakhtigiisuu galinayay, markii xisaabta sanadka la xidhana 60/40 ayaanu faa’iidada u kala lahayn marka laga gooyo kharashaadkii oo ku jiro mushaar go’an oo uu qaadanayay. Heshiiskaas diintu maxay ka qabtaa?

10:56 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 8aad
Muxuu yahay qowlka uugu raajixsan qof ajnabi oo dumar ah haduu ninku taabto inay waysadu ka jabayso?

11:33 sSu’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 9aad
Qof baa dayn iga rabay, raashin buu iga gadanayay, raashinkii waanu ku heshiinay, raashinkii markaan qaadeen u saarayo ayuu yidhi siyaaro sheekh hebelow aa loo wadaa. Maa-daama heshiiskii dhacay waan u saaray. Markaa ‘shirkigaas’ aniga ma danbi baa iga soo gaadhaya aan uugu kaalmeeyay?

15:11 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 10aad
Waxaan daganahay dalka Belgium. Waxaa jira shaqooyin dawladu kugu qasbayso marar supermarket-yo noqda. Hilib xaaraana iyo khamri ayaa lagu gadaa. Mar waad rastayn, mar lacgtaad qaban, makala saari kartid mana diidi kartid. Mudo sanaad ka shaqayne ilaa intaad shaqo iskaa add keensato. Muxuu xukunku noqonayaa?

16:25 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 11aad
Waxaan joogaa Sweden. Reerkaygana inaan Sweden geeyaan rabaa, wadanadaa gaalada oo wadankoodii ay daganaayeen kasoo kexeeyo. Ma danbibaa iga soo gaadhaya?

17:17 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 12aad
Qof gaalnimo ma muujisan karaa si uu kumaankun oo muslimiin ah u badbaadiyo mise lama ogola?

18:47 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 13aad
7 faatixa ayaan akhristaa, waxaan marsadaa indhaha, qalbiga iyo xubnaha taranka, in ilaahay ii xifdiyo darteed, diita maxay ka qabtaa?

20:00 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 14aad
Bahal bidaar ah ayaa nafta noo keentay, intimo la talaasho ma danbibaa ku jira?

20:27 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 15aad
Markaan sujuuda ku ducaysanayo nabiga ma ku salliyi-karaa?

21:16 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 16aad
Afar wiil oo mataana aha baan leeyahay oo afar jir ah. Masaajidkaan geeyaa salaadaha. Dadbaa waxay igu yidhaahdeen ilmaha il baa kaaga dhiciye kadaa masaajidka. Arintaa maxaa ja jira?

22:30 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 17aad
Dadbaan masaajidka kuwada tukanaa. Somali iyo carab baanu iskugu wada jirnaa. Imaamku waa carab. Ragii qaar badan baa silsilad qaba, imaamkuna kama hadlo, dadbaaba leh way banaantahay, diintu maxay ka qabtaa?

23:24 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 18aad
Waxaan aragnaa sawira la leeyahay waxyaabo nabigu ka tagay sida timihiisii iyo dharkiisii, arimahaa maxaa ka jira?

26:06 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 19aad
Ninbaa la afduubtay, kadib waxaa la soo sheegay inuu dhintay oo la dilay. Xaaskiisiina afar bilood iyo toban habeen cidda-ah ayay gashay, kadibna waa la guursaday. Qolona waxay yidhaahdeen ninkaa waa la sugayaa 10 sano. Maxay mas’aladaa xukunkeedu noqonayaa?

26:20 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 3aad – Su’aasha 20aad
Gabar baan shukaansanayay 3 bilood, markaan 3 bilood wada soconay ayay ii sheegtay inuu nin ka dhintay, intii aan wada soconayna waxba iima sheegin, kadib waan ka gaabsaday ilaa ciddadii ka dhamaatay. Markay ka dhamaatay hadaan guursado ma danbibaa ka jira?