Xaggan ka dhagayso ama download-garayso iyadoo mp3 ah Sheekh Shibli oo ka jawaabaya su’aalo diini ah loogu soo diray facebooga. Waa xalaqadii 4aad.
00:38 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 1aad
Waxaan daganahay dalka Sweden. Gaariga inaan bartaan rabaa waaye waa ii muhiim. Waxbarashada markaan dhameeyo een shaqo doonto laysan ma leedahaybaa la i odhanayaa, lacagna uuma haysto markaa lacag dayn ah oo riba ah ma qaadan karaa si aan laysan kaa u barto kadibna aan shaqo uugu daydaydo?
02:01 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 2aad
Qof dhalin yaro ayaan ahay cirradaa igu soo dagdagtay, anoo yar buu madaxii i wada cadaaday, midabka madowga ah ma marsan karaa?
04:27 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 3aad
Gabadh markay ka dhamaato xiliga asayga inay xaflad dhigato oo xoolo qalato diintu maxay ka qabtaa?
05:51 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 4aad
Waxaan ahay qof jecel dadka inuu caawiyo kuna nool wadanka maraykanka. Dad badan oo baahan oo muslmiiin ah way jiraan oon caaqinayo, qamaarka ama lootariga (lottery) ma u gali karaa si lacagtaa aan ka helo dadka muslimka ah ugu caaawiyo.
07:25 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 5aad
Nin dhalinyaro ah ayaa leh nin ayaa i dhahay gabadhayda waan ku siiyay. Intaa xalaal maygu tahay mise meherbay u baahantahay?
08:46 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 6aad
Qofka raga’ihi haduu qof dumara dilo maloo qisaasayaa?
10:18 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 7aad
Waxaan ahay arday dhigta culuumta caafimaadka, mala joogi karaa qof dumarah oo hoosta laga gelinayo waxan kaadida kasoo qaada?
11.03 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 8aad
Markaan wadankii kaasoo dhoofayay waxaan lahaa laba xaas. Markaan soo dhoofayay waxaan sheegay labadii xaas mid inaan furay midna taan qabo inay tahay ee ii diwaangashan. Taa aan furay 3 caruura ayay ii haysatay, labaan kaasoo qaatay midna way haysatay laakiin beentay bay ahayd oo maanan furin . Mas’aladaa xaaskii ma iga furantahay?
12.58 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 9aad
Waxaan Ahay arday bartay culuumta kombuutarka, ma banaantahay inaan sameeyo robotka?
14.58 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 10aad
Gaalaan ku dhex shaqaystaa oo dukaanlaan ahay. Gaalada sadaqo ma siin karaa?
15:35 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 11aad
Dadka shaqaalaha iyo shirkadaha u shaqeeya bishii waxbaa lags gooyaa, sanduuq baanka lagu ridaa, hadhow shaqadu haday Ka istaagto ama ka dhamaato intuu shaqo kale Ka helayo ayuu sanduuqii inta uu aado baa bishii mushahar wax laga siiyaa. Ma banaantahay?
17:12 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 12aad
Waxaan dareensanahay in wakhtiga salaaduhu igu adagyahay, mashquulna ma ihi laakiin cajis iyo wahsi badan gaar ahaan subaxa iyo cishaha aan dareemaa.
18:35 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 13aad
Qof ayaan ganacsi ku heshiinay, lacagta lagu bilaabayo anigaa iskaleh, guriga lagu ganacsanayana isagaa iska leh, lacagtaydii inyar in laysoo celiyaan Ku heshiinay, kadibna aan Kala qaybsano wixii soo baxee faaiida ah, su’aashu hadaba waxay tahay gurigiisa kiro maka siinaynaa? Qaybsigaas ma saxan tahay?
19:35 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 14aad
Dugsi quraan bay wada furteen dadkii wada furtay ee wax isku darsaday ee kharajkii labaxay ee aasaasay, inna macalliin bay ka yihiin inna macallimiin kama aha, dadkaloo macallimiina meesha way joogaan, meeshuna was kiro. Kirada iyo macalimiinta markaanu bixino oo Kujiraan labadii nala lahaa. Waxa soo haray baan aniga iyo dadkii sheer-kii ila lahaa dhinaca macalimiin ku ah wadaqaybsanaa. Arrintaas ka waran
20:43 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 15aad
Bakhaar baan ka shaqaynayay mudo sanada ah , waxaanu ku heshiinay ninja hantida leh boqolkiiba sodon iyo shan inaan qaato wixii la faa’iido, mudadaas dayn baan isku qorayay waxaan u baahdo. Markii xisaabtii la xidhay waxba lama faa’iidin, xoolihii wax ma laygu leeyahay daynta ahaan mise anigu laftayda waan dhididoo waxna maan hakranine xoolaha dhididkaygoo bay u dhigmayaan?
22:00 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 16aad
Qof baa wiil saqiir-ah oo aan qaan gaadhin u diray inuu xarig uuga soo furo oo u keeno, kadib neefkiibaa waxyeelay ilmihii ama waaba dilay ama waaba dhaawacay, yaa lagu leeyahay?
23:55 20:43 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 17aad
Ma banaan tahay inaad tukato salaad adoo hortaada kaba yaalaan?
24:44 20:43 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 18aad
Ma jirtaa inuu imaam shaafici yidhi xadiithka yidhi halaga waysaysto hilibka geela haduu ansaxo waa madhabkayga?
25:45 20:43 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 19aad
Anigoo wayso qaba haduu roob da’o meel biyo iyo wasakh badan maraayaana aan marayo maku tukan karaa? Masaajidka se ma gali karaa?
27:45 20:43 Su’aalaha Sheekh Shibli – Xalaqada 4aad – Su’aasha 20aad
Waxaan soomaa maalinta isniinta iyo maalinta khamiista, musalsalna waan ku xidhanahayoo waan daawadaa, soonkaygii maxay u dhimi?