Kitaabkan waxa liyadhaahdaa At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur’aan. التبيان في آداب حملة القرآن Macnuhu waxa weeyi in la cadeeyo aadaabta ay dadka Qur’aanka xambaarsan ay leeyihiin. Waxaa kitaabka iskaleh Imaam An-nawawi (raxmatullaahi calayhi). Wuxuu kitaabka u alifay dadkaas Muslimiinta ah kuwooda Qur’aanka xafidsan iyo Muslimiinta dhamaantood.
Tarjamada Imaam An-Nawawi
Imaam An-Nawawi culimada Muslimiinta kuwooda waawayn buu ka mid tahay. Sheekha magaciisa waxa la yidhaahdaa Yaxya Ibn Sharaf Ibn Murri. Naynaastiisa ama laqabkiisa waxa la yidhaahdaa Muxyudiin. Kunyadiisa waxaa loo yaqaanaa Abu Zakariyyah. Nisbadana waxa loo nisbeeyaa oo loogu abtiriyaa magaaladii uu ku dhashay oo uu ku dhintay kuna duugan yahay oo An-Nawaa la yidhaahdo. Nawaa meesha la yidhaahdo waxay Ku taalaa wadanka Suuriya. Imaam Nawawi wuxuu dhashay sanadkii 631 hijrada Nabiga (sallallaahu calayhi wasalam). Wuxuuna dhintay taariikhda hijri markay ahayd 676 iyadoo markaa cumrigiisuba uu yahay 45 sano. Turaathka uu Muslimiinta uuga tahay waa wax aad u farabadan oo aad u qiimo badan. Culimadu waxay gaadhsiiyaan kutubtiisa ilaa dhowr iyo sodon kitaab. Funuun kala duwana wuu Ka alifay. Haday tahay culuumta xadiithka kuwuu Ka alifay waxa ka midah kitaabka 40 xadiith, Riyaadu Saalixiin, Imaam Muslim kitaabkiisa saxiixa ahna Imaam Nawawi baa sharxay. Fiqhi-ga kutub aad u badan buu ku leeyahay sida kitaabka Minhaajka ee Soomaalidu ka barato madhab-ka Shaafici-ga. Aadaabta kutub badan buu ka alifay, adkaarta sidoo kale. Wax aad u khayr badan ayuu Muslimiinta u qabtay (raxiimahullaah).
Imaam Nawawi wuxuu ahaa nin waric-ah (xalaalmiirad). Aad buu xalaasha uugu dadaali jiray. Zaahid buu ahaa oo aduunkan wuu yaraysan jiray aakharadana wuu badsan jiray iyo camalka saalixa ah. Waracnimadiisa waxaa ka mid ahaa markii uu yimid Dimashq muusan cuni jirin magaalada cunadeeda shubha darteed isagoo ka cararaya. Waxaa la yidhaahdaa wuxuu cuni jiray aabihii waxa uu Nawa uuga keeno.
Markii danbe daar la yidhaahdo Daarul Xadiith Al-Ashrafiyyah ayuu sheekheedii noqday. Daartaa Dimash ayay ku taalaa, waxaa asalkeeda iibiyay nin boqoradii wakhtigaa joogtay ka mid ah oo layidhaah Al-Maliku Ashraf wuxuuna ka gaday boqoradii dawlal ayuubiyyah, markaasuu dhisay, wuxuu uugu talagalay inay noqoto daar xadiithka oo kaliya lagu daraaseeyo. Wuxuu u sameeyay ninka sheekha meesha ka noqonayana meel uu daygo. Sheekha uugu horeeyay oo daartaas loo dhiibay wuxuu ahaa sheekh Taqyudiin Abu Camar ibn Salaax muxadithka caanka ah ee kitaabkiisa Muqadimatu Ibn Salaax loo yaqaano, daartaas buu ku alifay intuu madax ka ahaa. Boqorkaasi wuxuu shardi ka dhigay inuu marka Ibn Salaax uu ka tago in loo dhiibo qofka xadiithka uugu cilmiga badan.
Kitaabku wuxuu ka kooban yahay 10 baab.
1. الباب الأول: في أطراف من فضيلة تلاوة القرآن وحملته
Daraf iyo qaybo ka mid ah Qur’aanka akhrintiisa fadliga uu leeyahay iyo dadka Qur’aanka xambaarsan oo ku dhaqmi fadliga ilaahay agtiisa ay ku leeyihiin.
2. الباب الثاني: في ترجيح القراءة والقارئ على غيرهما
Qiraa’ada Qur’aanka la akhriyo inay ka raajixaimo badan tahay kana fadli badantahay adkaarta kale oo la akhriyo. Qofka qaariga ah ee quraanka akhrinaya iyo midka dikriga kale akhrinayana qofka qaariga ahi inuu Ka fadli badan yahay.
3. الباب الثالث: في إكرام أهل القرآن والنهي عن إيذائهم
Dadka ahlul Qur’aan la yidhaahdo karaamaynteeda in la karaameeyo oo la qiimeeyo la sharfo. Iyo inaan la dhibin dadka ahlul Qur’aanka ah.
4. الباب الرابع: في آداب معلم القرآن ومتعلمه
Aadaabta uu leeyahay qofka Qur’aanka dadka barayo iyo midka isaga macalinka ka baranaya aadaabta laga doonayo.
5. الباب الخامس: في آداب حامل القرآن
Qofka Qur’aanka xambaarsan ee xaafidka ah aadaabta laga rabo.
6. الباب السادس: في آداب القراءة
Qur’aanka marka la akhrinayo aadaabta lagaa rabo. Kitaabkan intiisa badan iyo maqsadka laga leeyahayba baabkan ayuu uugu dheeraanayaa.
7. الباب السابع: في آداب الناس كلهم مع القرآن
Dadka oo dhan siday Qur’aanka uula dhaqmi lahaayeen
8. الباب الثامن: في الآيات والسور المستحبة في أوقات وأحوال مخصوصة
Aayadaha iyo suuradaha Qur’aanka ka mid ah oo mustaxab ah oo la sunneeyo wakhti gooni ah in la akhriyo ama xaalado gooni ah in la akhriyo.
9. الباب التاسع: في كتابة القرآن وإكرام المصحف
Qur’aanka qoridiisa la qorayo aadaabta lagaaga baahanyahay maxay tahay iyo musxafka kitaabka Qur’aanka ahaa qiimayntiisa la qiimeeyo oo la karaameeyo.
10. الباب العاشر: في ضبط الأسماء واللغات المذكورة في الكتاب
Kitaabka alfaadii ku soo aroortay oo la xarakeeyo ama la macneeyo.
Download kitaabka At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur’aan (pdf)- التبيان في آداب حملة القرآن
-
1. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 1aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
2. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 2aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
3. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 3aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
4. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 4aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
5. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 5aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
6. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 6aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
7. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 7aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
8. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 8aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
9. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 9aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
10. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 10aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
11. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 11aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
12. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 12aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
13. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 13aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
14. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 14aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
15. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 15aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
16. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 16aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
17. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 17aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
18. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 18aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
19. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 19aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
20. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 20aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
21. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 21aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
22. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 22aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
23. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 23aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
24. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 24aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
25. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 25aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
26. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 26aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
27. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 27aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
28. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 28aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
29. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 29aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
30. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 30aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
31. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 31aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3 -
32. At-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil Qur'aan - Darsiga 32aad
Sheekh Cabdulqaadir Cukaashe | Download mp3